![]() |
Sinaan iyo Cadaalad |
![]() |
||
| Hanaanka Golaha Dhlainyarada Soomaaliyeed Golaha Dhalinyarada Soomaaliyeed waa urur dhalinyaro oo mabda'iisu yahay sidii loo heli lahaa midnimo guud oo ka dhaqan gasha guud ahaan gayiga dadka Soomaaliyeed ee ku hadla Af Soomaaliga meel iyo waa ay ka joogaanba Bariga Afrika. Golaha waxaa magaciisa la yiraahdaa Golaha Dhalinyarada Soomaaliyeed astaantiisuna waxay tahay sadex astaamood oo laysu keenay oo ka tarjumaya Golaha, Dhalinyarada, Soomaaliyeed iyo cadceed ka dhexmuuqata oo falaara bixinaysa oo ay ka dhexmuuqato sadex xaraf oo u taagan Somali Youth Congress (SYC). Waxaana loo micnayn karaa sidan. 1- Katiinad oo u taagan Gole ama isku xirka si quwadaysan oo micna ahaan muujinaysa xeendaabyada ku kala xirxiran bulshada dulman ee Soomaaliyeed ee ay gumeysiga iyo gumeysi kalkaalku hareeyeen. 2- Dhalinyarada oo aan usoo qaadanayn laba gacmood oo Muruqyo leh oo muujinaya awooda inta qofku dhalinyar yahay 3- Soomaaliyeed oo aan usoo qaadanay calanka Jamhuuriyada Soomaaliyeed ee ah buluuga xidigta shangeesta ahina dhexda ka muuqato oo u taagan shanta garab ee Soomaaliweyn. Afka ururka waa Af Soomaali waxaa kaloo lagu tarjumi karaa luqadaha qalaad ee bogani muujinayo in falsafada fahamkeeda dartiis loogu turjumo si ay bulshada caalamka ay uga dhaadhacdo nuxurka ururkan iyo halganka shacbiga Soomaaliyeed ugu jiro midnimadiisa. Ururku wuxuu leeyahay Gudoomiye, Gudoomiye xigeen, xoghaye guud iyo todobo hogaan oo fuliya howlaha ururka waxayna kala yihiin. 1- Hogaanka Siyaasada iyo xiriirka dadweynaha 2- Hogaanka Saxaafada 3- Hogaanka Difaaca 4- Hogaanka Daryeelka Dadweynaha 5- Hogaanka Xiriirka Caalamiga 6- Hogaanka Sharciga 7- Hogaanka Maaliyada Hogaanada ururka waa kuwa magac ahaan isbedeli kara balse kama badan karaan todobo hogaan oo joogta ah. Waxayse yeelan karaan laamo hoostaga todobada hogaan ee ururka sida laamaha xeer dejinta iyo xeer ilaalinta ururka ee hogaanka sharciyada. Mab'da ururku waa midaan isbedelin oo joogta ah ilaaa la gaarayo midnimo waarta oo ay helaan shucuubta Soomaaliyeed ee gumeysigu iyo gumeysi kalkaalku ay kala geeyay. Ururku wuxuu gacan saar la yeelan karaan ururada ay isku afkaarta iyo mab'diida yihiin ee aaminsan midnimada umada Soomaaliyeed sida Somali Galbeed. Ururku wuxuu gacan saar la leeyahay ama la yeelan karaa Ururada iyo Dowladaha ay isku danta yihiin sida.Ururka Mushtamaca Oromada iyo kuwa lamidka ah ee ka jira bariga Afrika iyo Caalamkaba. |
|
|||
Registred by Diiwaan domain registration hosted by Hiirad hosting and design